Shir uu ka maqan yahay Rooble kana qeyb galayo Fahad Yaasiin oo maanta Muqdisho ka dhacaya

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka furmo shirka Amniga Qaranka uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo, shirkan ayaana la filayaa in Hay’adda NISA warbixino kusoo bandhigto.

Shirkan amniga Qaranka looga hadlayo laguna soo bandhiganayo warbixin la xariirta kiiska dilka Ikraan Tahliil ayaa waxaan ka qeyb galeyn Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Farmaajo.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galeyn Wasiirka amniga Cusub ee Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur , waxaana la filayaa in shirkan ka qeyb galaan Wasiiro katirsan Xukuumada gaar ahaan kuwa ku dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo.

Shirkan Amniga Qaranka ee NISA warbixinta kiiska Ikraan Tahliil kusoo bandhigeyso ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyihii Hore ee Hay’adad NISA hadana ah la taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo la filayo in maanta soo gaaro magaalada Muqdisho.

Qabsoomida shirkan oo markii hore ka dhashay codsi ka yimid Fahad Yaasiin ayaan la ogeyn waxa uu soo kordhin doono, waxaana shirkan ka qeyb galaya kaliya masuuliyiin iyo saraakiil siyaasad ahaan la safan Fahad Yaasiin oo lagu tuhmayo kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -