Puntland oo diyaar u ah marti galinta shir looga hadlayo maqaamka Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahhi Deni ayaa furay shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe.

Shirkaan oo ahaa mid ballaaran, waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayey Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Goleyaasha heer Faderaal iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe, Aqoonyahano, Cilmi Baarayaal iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad in ka badan 20 daqiiqo socotay shirka ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda dib u heshiisiintu u leedahay Ummadda Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah arrimaha looga hadlayo Dooda Xagaagan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in doodu ay tahay wax wanaagsan, isla markaana ay ka dhalankarto in la heshiiyo, waxaana uu ballan qaaday wixii kasoo baxa doodan in Puntland ay fullindoonto.

“Sharaf wayn bay u tahay Dowladda Puntland inay kulamada noocaan oo kale ah martigaliso, waxaana ku baaqaynaa kulamada geedi socodka Soomaaliya looga hadlayo inay Puntland aad u soo dhawayso. Waxaana jeclaan lahaa halkaan inaan maanta ka sheego inay Puntland diyaar u tahay inay marti galiso qodobada aadka looga doodo oo mar walba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhowaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Machadka SIDRA oo qabsoomidda Shirka iska kaashaday, waxaaana uu tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inay ka soo bixidoonaan qodobo kayd u noqondoona Ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -