Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo laga dalbaday Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku matali doono gobolada Waqooyi ee dalka kadib heshiiskii ay gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Qoraal kasoo baxay Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ayaa looga codsaday  Mahdi Maxamed Guleed iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee JFS mudane Cabdi Xaashi Cabdilahi inay Soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.

Musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee loo qoondeeyay gobolada Waqooyi ayaa waxaa soo qoraya Cabdi Xaashi iyo Mahdi Maxamed Guuleed oo ah labada nin ee siyaasad ahaan hada hogaamiyaha siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland.

Halkan ka Akhriso Warqada Codsiga ah ee loo diray labadan masuul

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -