Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii Nabad Sugida Gobolka Banaadir oo xilka laga qaaday iyo Mid Cusub oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday Agaasimaha KMG ee NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa xilka looga qaaday Taliyihii hore ee Hay’adad Nabad sugida ee Gobolka Banaadir iyadooba mid cusubna lagu magacaabay

Sareeye Guud Bashiir Goobe oon weli tegin xarunta Taliska Hay’adda NISA sidoo kale aan xilka la wareegin ayaa wareegtada uu soo saaray taliyaha NISA ee gobolka Banaadir ugu magacaabay  G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Magacaabistan uu sameeyay Agaasimaha KMG ee NISA Bashiir Goobe ayaa imaanaya xili Hay’adda NISA leedahay labo agaasime KMG ah ay kala magacaabeen Madaxewyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxaana dhawaan xilka agaasimaha NISA la wareegay Agaasimaha KMG uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ,Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Farey oo horey u ahaa Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo Fiisaha u diiday Madaxda dowlada Soomaaliya & Masuuliyiin ku xaniban..

Caydiid Ali

Xaad: “Lama aqbali karo Fowdada iyo qalalaasaha uu dalka gelinayo Farmaajo”

Caydiid Ali

Maxay ka wadahadleen Rooble & Madax goboleedyada oo caawa kulan yeeshay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---