Wariye loo heestay in uu dilay Xaaskiisa oo sanado kadib la fasaxay

Maxkamad kutaala magaalada New Delhi ee caasimada dalka Hindiya ayaa dambi ku weysay Wariye caan ku ahaa soo tabinta musal salada la xariira dambiyada ka dhaca dalka Hindiya.

Wariye Suhaib Ilyasi ayaa lagu eedeeyay in xaaskiisa Anju Ilyasi ku dilay toorey sanadkii 2000, waxaana wariyahan sababta uu u dilay xaaskiisa lagu sheegay in uu ka doonayay  in uu ka qaato lacag yarad dheeraad ah sida ay sheegeen Qoyska gabadha.

Suhaib Ilyasi ayaa xabasiga la dhigay sanadkii 2017-dii, waxaana Maxkamada kiiska dacwada Wariyahan qaadeysay ku xukuntay xukun xabsi daa’in ah kadib markii Maxkamada heshay cadeymo la xariira in uu dilkaasi fuliyay.

Wariyahan loo heestay in uu dilay xaaskiisa ayaa racfaan ka qaatay xukunka lagu riday ee xabsi daa’inka ah, waxa uuna sheegay in isagu uusan ka dambeyn dilka xaaskiisa balse iyadu gacanteeda isku dishay.

Maxkamad kutaala magaalada New Dalhi ayaa mar kale ku laabatay kiiska Wariyahan loo heestay, waxaana garsooraha sare ee Maxkamada markii dambe uu fasaxay Suhaib Ilyasi , waxa uuna sheegay garsooraha in la waayay cadeymo ku filan kiiska loo heestay Suhaib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -