Israa’iil oo dalab cusub u gudbisay Mareykanka & Biden oo shaki ka muujiyey

Israa’iil ayaa waydiisatay Maraykanka inay helaan 24,000 oo qoryaha fudud ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Codsigan waxaa walaac ka muujiyay Congress-ka iyo saraakiisha waaxda arrimaha dibadda, maadaama ay aaminsan yihiin in Israa’iil laga yaabo inay hubkan u qaybiso rayid yuhuuda ah ee la dejiyey Daanta Galbeed.

Tani waxay kordhinaysaa xiisadda haddii Israa’iiliyiinta rayidka ah u adeegsadaan hub si ay u weerarraan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya xaaladda ka sii daraysa ee Qasa.

Shirkan ayaa waxaa dalbaday Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha,sida lagu baahiyay barta Golaha Golaha Ammaanka, waxaana horey u fashilmay qaraar xabad joojin lagu dalbanayey oo ay wadeen Ruushka iyo dalal kale.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa shaaciyay in ilaa iyo hadda in ka badan 10,000 kun oo rayid ah lagu dilay duqaymaha ba’an ee ku socda marinka Qasaa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegaysa in marba marka ka danbaysa ay sii kordhayaan rayidka u badan dumarka iyo carruurta ee ku dhimanaya duqaymaha joogtada ah ee Israail ku hayso magaalada go’doonsan ee Qasaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA ayaa mas’uuliyiinta caafimaadka ka soo xigatay in duqeymaha Israail ay yihiiin ‘kuwa aan horay loo arag” halka shirkadda isgaarsiinta ee Paltel ay sheegtay in mar kale la jaray isgaarsiinta iyo adeegyada internetka.

Dhinaca kale, Baadariga Pope Francis ayaa baaq degdeg ah ka soo saaray duqaymaha ku socda marinka Qasaa si loo joojiyo xasuuqa isaga oo ku baaqay gargaar bini’aadantinimo iyo in la caawiyo dadka dhaawaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -