Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsanaa Booliska DF oo lagu dilay agagaarka taalada Daljirka dahsoon

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Somalia ayaa caawa lagu dilay agagaarka taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka ay dileen ciidamo ka tirsan Nabad sugida Somalia, xili uu marayey nawaaxiga taalada daljirka dahsoon, welina ma cadda sababta.

Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed (Abkoow Cambuure) ayaa horey uga howlgali jiray xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa ka tacsiyadeysay geerida sarkaalka, iyadoo ku baaqday in la soo qabto raggii ka dambeeyey dilkiisa.

“Allaha u naxariisto Abkow Cambuure oo goor dhow ay isoo gaartay Geeridiisa, Gacan ka xaqdaran ayaa ku dishay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondhere, Waxaan alle uga baryaa inuu Janadiisi Firdowsa ka waraabiyo, Laamaha amaankana waxaan ka codsanayaa inay kuwii Falkaa ka dambeeyay Cadaalada horgeeyaan, Abkow waxa uu ahaa Shaqsi Howlkar ah, lana soo shaqeeyay Qaar kamid ah Gudoomiyeyaashii Gobolka Banaadir” ayuu yiri” ayey tiri Basma Caamir Jakeeti.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka DF oo ku saabsan dilka sarkaalkan oo tacsida loo dirayo ay si weyn u qabsatay caawa baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha XDS oo kormeeray taliska cusub oo ciidanka Lugta

Caydiid Ali

Libaaxyo si xun u dilay nin doonayay in iyaga uu ugaarsado !!

Cabdi Cade

Netanyahu oo amray Sirdoonka Mossad in wadahadal la furaan Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---