Nin Soomaali ah oo Weerar loo adeegsaday Toorey ka geestay dalka Talyaaniga

Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool dalka Talyaaniga ayaa weerar toorey loo adeegsaday ka geestay gudaha gaari bas dadweyne  oo marayay  magaalladda Rimini ee Gobalka Emilia-Romagna ee dalka Talyaaniga.

Wargeyska Corriere di Bologno ayaa sheegay in weerarkan ninka Soomaaliga ah geestay xalay fiidkii , waxaana weerarkan tooreyda loo adeegsaday ku dhaawacmay shan qof uu ku jiro cunug yar oo shan sano jir ahaa.
Booliska Talyaaniga waxay sheegeen inuu Muwaadinka Soomaaliga markii ugu horeysay Toorey ku dooxay 2 haween oo u xil saarnaa Hubinta Tikidhada , kadibna waxa uu sii dhaawacay 3 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Baska.
Ninka Soomaaliga ah ee weerarka geestay oon magaciisa la shaacin ayaa baska raacay tikit la’aan, hasa ahaatee markii la weediiyay tikitka la sheegay in uu bilaabay weerarka uu dadka ku dhaawacay.
Ciidamada booliiska Talyaaniga ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan Soomaaliga ah xili uu isku dayay in uu baxsado, waxa ayna booliiska Talyaaniga sheegeen in ay ninkan xireen ayna baarayaan sababta uu weerarka u geestay.
Weerarkan uu geestay ninka Soomaaliga ah ayaa loo badinayaa mid aan xiriir la laheyn arimo argagaxiso, waxaana warbaahinta dalka Talyaaniga sheegeen in ay suurto gal tahay in ninkan weerarka geestay isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -