Dad loo soo qabtay dilka Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi iyo Baaritaano socda

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa dad usoo xiray dil xalay gurigiisa loogu geestay Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo katirsanaa Xildhibaanada golaha deegaanka.

Duqa magaalada Laasacaanood, Cabdiraxiim Cali Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalo ciidamada amaanka sameeyeen lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilka loo geestay Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay duqa magaalada in baaritaano ku socdaan dadka lagu tuhmayo dilka Xildhibaanka, waxa uuna cadeeyay sharciga la horgeyn doono cidii lagu helo in ay ka dambeesay falka dilka ah.

Magaalada Laascaanood ee maamusho Somaliland ayaa mudooyinkan waxaa kusoo batay dilalka qorsheesan, laamaha amaanka ayaana inta badan ku guul dareestay soo qabashada dadka fuliya dilalka magaalada ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -