Allbanaadir.com
WORLD NEWS

Taalibaan oo si xun u jir dishay Wariyaal duubayay Banaan bax ka dhan ahaa (Sawirro)

Dagaalyahanada Taalibaan ayaa saldhig booliis oo kuyaala magaalada Kabul ku jir dilay labo Wariye oo ka howlgala warbaahinta kutaala dalkaasi, kuwaa oo duubayay banaan bax ka dhan ah Taalibaan oo ay dhigayeen koox haween ah.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay labadan wariye oo u shaqeenayay wargeyska Etilaatroz, oo jirkooda la gaarsiiyay dhaawacyo aad u xun kadib markii ay jir dileen sideed nin oo katirsanaa Taalibaan.

Taqi Daryabi, oo kamid ahaa wariyaasha la jir dilay ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibkiis xili ay ku howlanaayeen in ay duubaan banaan bax ay dhigayeen koox dumar ah ay xireen kooxda Taalibaan kadibna si naxariis daro ah u jir dileen.

“Waxa ay i galiyeen qol iyagoo iga xiray gacmaha. Waxaan go’aansaday in aan iska cabin sameyn, waayo haddii aan sidaa sameyn lahaa waxa ay i gaarsiin lahaayeen jug culus. Marka dhulka ayaan seexday, waan suuxan, markaas ayayna iga joojiyeen garaaca. Waxa ay i geeyeen dhismo kale, halkaas ayayna iiga tageen” ayuu yiri Daryabi/.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada Afganistan ayaa lagu eedeeyay in ay caburin ku hayaan warbaahinta Madaxa banaan, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay la sheegay in Taalibaan xireen kadibna sii daateen 14-wariye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkadda Facebook oo ay soo food saartay cillad weyn iyo Maamulka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Faadumo Abuukar oo maalin kahor arooskeeda geeri naxtin leh ku timid

Cabdi Cade

Labo Siyaasi oo soo noqday Ra’isul Wasaarayaal oo lagu riday Xukuno adag  

Cabdi Cade
Taboola Ads ---