Labo Siyaasi oo soo noqday Ra’isul Wasaarayaal oo lagu riday Xukuno adag  

Labo Siyaasi oo Ra’isul Wasaare kasoo noqday dalka Algeria ayaa lagu riday xukuno adag oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambi la xariira Musuq maasuq ay ku kaceen intii ay xilalka hayeen.

Maxkamad kutaala dalka Algeria oo qaadeysay kiiska dacwadaha loo heestay labadan Ra’isul Wasaare ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday in labadan siyaasi lagu helay qaar kamid ah dambiyadii lagu soo eedeeyay .

Ra’isul Wasaare hore Ahmed Ouyahia ayaa maxkamada Algeria ku riday 15-sano oo xabsi ah halka sidoo kale Abdelmalek Sellal oo isna Ra’isul Wasaare soo noqday lagu xukumay 12-sano oo xabsi ah.

Siyaasiyiintan caanka ah xilalka sarana kasoo qabtay Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Abdiaziz Bouteflika ayaa lagu helay in ay lacago badan lunsadeen ayna awooda ku takri faleen intii ay talada hayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -