Caruusad la furay 30 daqiiqo ka hor Aqalgalkeeda iyo Sababta layaabka leh ee Keentay !!!?

Muwaadin u dhashay dalka Urdun (Jordan) ayaa waxa la sheegay inuu dalaaqay Gabar ku mehersanayd, sabab ay dadka badankooda la anfariireen.
 
Waxa la sheegay inuu Go’aankaasi qaatay xilli ay 30 daqiiqo ka harsanayd Munaasabadii Aqalgalkooda.
 
Dhacdadaasi waxay ka dhacday Deegaanka Marka oo dhanka Bari kaga toosan Caasimada dalkaasi ee Amman (The Marka area east of the Jordanian capital Amman).
 
Lamaanayaasha oo si heer sare u qabanqaabiyey Aqal- galkooda ayaa la sheegay inuu Caruuska go’aanka Furiinka qaatay, kadib, markii uu Caruusada ugu tegay Goobta Timo-qurxinta Haweenka (Beauty Hair Salon).
 
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Caruuska ka carooday markii uu arkay Nin ka shaqeeya Xaruntaasi oo timaha u hagaajinaya (U shalaynayo ama u feeraya) Xaaskiisa Caruusada ahayd.
 
Waxa uu la amakaagay in Saloonka Qurxinta ay ka shaqeeyaan Wiilal dhallinyaro ah oo aysan xaaskiisa tegin goob ay joogto Haweeney ka shaqeysaTimo-qurxinta (A Female hairdresser).
 
Caruuskii waxa ku abuurmay Dareen shaki leh, wuxuuna ka carooday inuu Nin kale faraha la galo Qurxinteeda.
 
Hinaasaha iyo Hubsiimo La’aanta waxay qofka ku abuuraan inuu Go’aano Degdeg oo dhinaca Qaldan ama Taban (negative side) qaato, wuxuuna Caruuskii meesha ku dalaaqay Xaaskii uu la Aqal geli lahaa 30 daqiiqo kadib.
 
Lamaanihii kala tegay waxa uu qof kasta dib ugu laabtay Reerkiisa, halkii laga filayey inay si farxad leh si wadajir ah u tagaan Xafladii dabaaldega ee lagu soo dhaweynayey Munaasabadda Aqalgalkooda.
 
Dadkii xafladda joogay markii uu warkaasi soo gaaray, iyagoo dhabanada haysta ayey ka huleeleen Hoolkii Farxadda, oo daqiiqado gudaheeda isku bedeshay goob lagu kala tegay.
W/Q Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -