Shirkadda Facebook oo ay soo food saartay cillad weyn iyo Maamulka oo ka hadlay

Barta ay inta badan kuwada xariiraan bulshada Caalamka kunool ee Facebook ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lasoo darsay cilad aad u baaxad weyn oo saameyn badan ku yeelatay dadka adeegsada barta.

Cilada ku timid Facebooka ayaa la sheegay in ay aheyd midii ugu xooganeyd taariikhda ee soo wajahda shirkada Facebooka, waxaana cilad galay oo sidii la rabay loo adeegsan waayay barta Facebooka oo ay ku xiran yihiin Balaayiin dad ah.

Waxa ay ciladan ku timid Facebooka sidoo kale saameyn ku yeelatay adeegyada kale ee shirkada leedahay sida Massengerka, WhatsApp fariimaha la isku dhaafsado iyo sidoo barta Instagramka oo inta badan sawirrada la dhigo.

Maamulka Shirkada Facebook ayaan wali si rasmi ah u shaacin cilad xalay soo bilaabatay ee ku timid Facebooka, waxa ayna maamulka xaqiijiyeen in ay ka war hayaan cilada jirta laguna jiro xalkeeda.

“Waxaan ka war qabnaa in dadka qaar ka mid ah aysan hadda isticmaali karin Facebook iyo App-ka ay isku bahda yihiin, “Waxaan ka shaqaynaynaa sidii ciladdan loo soo af jari lahaa sida ugu dhakhso badan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Facebook.

Dad badan oo Soomaali ku jiraan ayaa ciladan xalay dareemay, waxaana saameyn ku yeeshay ciladan dad badan oo isticmaalayay adeega Faceebooka iyo adeegyada kale ay bah wadaagta yihiin.

Ciladan soo wajahday Facebooka ayaa la sheegay in ay aheyd midii ugu weyneyd taariikhda, waxaana dadka isticmaala Facebooka lagu sheegay in bishii kaliya gaarayaan 2.3 bilyan oo ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -