Faadumo Abuukar oo maalin kahor arooskeeda geeri naxtin leh ku timid

Gabar yar oo isku diyaarineysay in ay guursato ayaa maalin kahor xaflada maherkeeda waxaa ku yimid geeri lama filaan iyo natin leh, waxaana dhacdadan ka ilmeesiisay dad badan oo ehel iyo asxaab la ahaa gabadhan.

Faadumo Abuukar oo 16-sabo jir aheyd kuna nooleyd magaalada Danbatta, ee Waqooyiga dalka Nageria, ayaa geeriyootay maalin kahor arookeeda, kadib markii ay si lama filaan ah ugu dhacday ceel biyood.

Gabadhan iyo wiil ay xiriir lahaayeen ayaa loo balansanaa in maherkooda uu dhaco khamiistii lasoo dhaafay hasa ahaatee Faadumo oo booqasho ku tagtay arbacadii guriga eedadeeda ayey ku dhacday Ceel biyood sidaasna ku geeriyootay.

Aabaha dhalay gabadha aroosada aheyd ee geeriyootay ayaa idaacada BBC-da u sheegay in gabadhiisa ay ku faraxsaneyd guurka wiilka ay saaxiibada ahaayeen, waxa uuna xusay in qadarta alle timid kahor guurka lamaanahan ee loo balananaa.

Waxa uu sheegay aabaha dhalay gabadha geeriyootay in qaar badan oo kamid aheyd asxaabta Faadumo oo u yimid ka qeyb galka xafladeeda arooska ay ka qeyb galeen aaskeeda.

Wiilkii guursan lahaa gabadha geeriyootay ayaa sidoo kale sheegay in uu aad u naxay kana murugooday geerida naxtin leheyd ee ku timid gabadhii uu jeclaa iskuna diyaarinayay guurkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -