Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afhayeenka Villa Somalia: “Waxaa duulaan lagu yahay dowladda iyo shacabka”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in duulaan lagu yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Cabdirashiid Xaashi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa intaas ku daray in dad uusan sheegin kuwa ay yihiin ay faafinayaan been iyo dacaayad ka dhan ah dadka iyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay Soomaaliyada maanta inay ka duwan tahay tii hore, oo ay dadkeedu baraarugsan yihiin kana warqabaan shirqool kasta oo la maleego.

Ma cadda dadka uu ka hadlayo Soomaali iyo ajnebi waxay yihiin, ama xitaa shaqsiyaad ama dowladdo.

Hadalka afhayeenka ayaa ku soo aaday xili ay Muqdisho ka taagan tahay xiisada  iyo khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/paUin6XbmBA

Related posts

Ciidamada Galmudug oo ku sii dhowaanaya degmada Guriceel iyo barakac ka bilowday

Caydiid Ali

Maxay tahay dhibaatada Ciidanka DF ee Gorgor ku hayaan Shacabka Guriceel?

Caydiid Ali

Magacyada Masuuliyiin la horkeenay Maxkamada G/Benadir & Lacagaha loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---