Magacyada Masuuliyiin la horkeenay Maxkamada G/Benadir & Lacagaha loo heysto

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxaa Maanta la horkeenay afar Mas’uul oo ka tirsanaa hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya, kuwaasoo Xeer Ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeeysay inay ku kaceen musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Dabaan) ayaa sheegay in ragga Maxkamadda Maanta la horkeenay ay kala yihiin.

1-Cabdullaahi Max’uud Cosoble agaasime ku xigeenkii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha

Ninkan waxaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag dhan ($560,500) shan boqol iyo lixdan kun iyo shan boqol oo dollar iyo inuu inuu dukumentiyo been abuur ah ku qaatay lacago dowladeed

2-Aadan Max’ed Cabdi Maamulaha waaxda Viso kordhinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Waxaa lagu eedeeyay ninkan inuu qaatay lacag dhan ($88,640) siddeetan iyo siddeed kun iyo lix boqol iyo afartan dollar, isagoo isticmaalayay warqado lacag qabasho iyo shaabad been abuur ah oo isagu uu sameystay.

3-Saabir  Xasan Cabdinuur, Madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka.

Waxaa isna lagu eedeeyey lunsashada dakhli dowladeed oo gaaraya ($482, 730) Afar boqol siddeetan iyo labo kun, todobo boqol iyo soddon dollar, taasoo uu u maray warqado la been abuuray.

4-Cumar Macalin Nuur agaasime ku-xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Wuxuu ku eedeysan yahay inuu lunsaday ku dhawaad 7 milyan oo dollar, taasoo ahayd hanti dadweyne oo uu lagu aaminay.

Xubnahan ayaa ka mid ahaa  18 Mas’uul oo dhowaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka uu ku eedeeyey xatooyo Xoolo dadweyne, kuwaasoo qaarkood xiran qaarna la sheegay inay dalka ka baxsadeen.

Dhegeysiga dacwada loo heysto xubnahan ayaa sii soconeysa maalmaha soo socda, waxaana la filayaa in kama dambeyn ay go’aan rasmi ah soo saarto Maxkamadda Gobolka Banaadir oo qaadeysa dacwaddan indhaha lagu wada hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -