Ciidamada Galmudug oo ku sii dhowaanaya degmada Guriceel iyo barakac ka bilowday

Waxaa barakac xooggan uu Maanta ka socdaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Ciidamada dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la sheegay iney dhowr jiho kaga sii durkayaan Degmada Guriceel oo ay ku sugnaayeen todobaadyadan Kooxda ahlu sunna ee taabacsan Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir.

Dadka ayaa waxay si weyn uga barakacayaan Xaafadaha Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlu-sunna ay difaacyo ka sameysteen gudaha iyo daafaha Magaalada.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa maanta kacsan, waxaana qaar ka mid ah Bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -