Galmudug oo bilaabeysa Dagaal Rogaal celis ah una mahad celisay Siciid Deni (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Amniga oo looga arrinsaday dardargelinta sugida nabad-gelyada iyo xoreynta deegaanada kujira gacanta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

Shiraka ayaa loga hadlay sugida amniga Caasimada Galmudug iyo degaanada ku xeeran, iyo Howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda  Al shabaab oo dib ula wareegtay deegaano katirsan Galmudug ay ka baxeen ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowlada.

“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan kooxda Al Shabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Ciid.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Galmudug,  waxa uuna xusay in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Al Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ayaa howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka waday deegaano katirsan gobolka Mudug, ciidamada huwanta ah ayaana baneeyay deegaano Al Shabaab ka saareen sida Camaara iyo Bacaadweyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -