Weerar Diyaarad loo adeegsaday oo lagu qaaday Garoon kuyaala Sacuudiga

Garoonka diyaaradaha Abha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu qaaday weerar loo adeegsaday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro kala duwan.

War kasoo baxay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee Yemen kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in weerarkan lagu qaaday garoonka diyaaradaha Abha ku dhaawacmeen ilaa 8-qof.

Weerar kale oo loo adeegsaday diyaarad drone ah ayaa la fashiliyay lagana hortagay, Qoraal kasoo baxay isbahaysiga Sacuudiga hogaamiyo ayaa lagu sheegay in dhaxda laga qabtay lana soo riday diyaarad labaad oo garoonka lagu soo weeraray.

Warar dheeraad ah oo laga helayo weerarkan kooxda Xuutiyiinta ku qaadeen garoonka kuyaala Sacuudiga ayaa sheegaya in khasaaro weerarka kasoo gaaray diyaarad rayid oo taalay gudaha garoonka Abha.

Shaqadii garoonka diyaaradaha Abha ayaa la hakiyay markii weerarku dhacay kadib, waxaana la sheegay in waxyeelo kasoo gaaray gantaalaha garoonka ku dhacay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan .

Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen oo weerarkan lagu tuhmayo ayaan weli ka hadlin weerarkan ka dhacay gudaha Sacuudiga, waxa ayna kooxdan horey u sheegatay weeraro kale oo qaarkood diyaarado Drone iyo gantaalo loo adeegsaday..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -