Shiinaha oo qaaday talaabooyin caro leh oo ka dhan ah dowlada Mareykanka

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyay wadahadaladii cimilada ee muhiimka ahaa ee ay kula jirtay Mareykanka, iyo iskaashiga dhinacyo kale oo badan.

Labada dal ayaa sanadkii hore daaha ka rogay heshiiska cimilada ee shirkii cimilada ee COP26 ee Glasgow.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in waddanku uu sidoo kale joojinayo wadahadalka u dhexeeya taliyeyaasha sare ee militariga, wadahadallada ka hortagga dembiyada xudduudaha iyo dib-u-celinta muhaajiriinta sharci-darrada ah.

Tallaabooyinkaas oo dhan waxay daba socdaan booqashadii Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Pelosi ay ku tagtay Taiwan, taasoo ka caraysiisay Shiinaha.

Dhinaca kale, Shiinaha ayaa maalintii labaad waxa uu dhoolatus ciidan ka wadaa agagaarka Taiwan. Waa howlgalkii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ee uu abid ka sameeyay .

Maraakiib iyo diyaarado badan oo Shiinaha uu leeyahay ayaa ka gudbay khadka dhexe ee xadka badda maalintii labaad, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan. Halka uu Shiinuhu ka gudbay waa khadka aan rasmiga ahayn ee kala qeybiya marin-biyoodka Taiwan ee u dhaxeeya dhul weynaha Shiinaha iyo Taiwan.

 

- Advertisement -