Saraakiil katirsan Milatariga Somalia oo Tababar loogu soo xiray dalka Dibadiisa

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa tababar bilooyin uga socday dalka Turkiga loogu soo xiray, waxaana la filayaa in saraakiishan dhawaan dib loogu soo celiyo dalka si ay waajibaadkooda Qaran u gutaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka  ee Dalka Turkiga.

Munaasaadan tababarka loogu soo xirayay Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Turkiga ay Soomaali ku jireen waxaa kasoo qeyb galay Madaxweyne Erdogan iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Turkiga.

Wasiirka Gasahaandhiga ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Saraakiishan tababarka loo soo xiray oo u badan dhalinyaro wax baratay ayaa la filayaa in marka dalka kusoo laabtaan qeyb ka noqdaan saraakiisha hogaamineysa ciidanka qalabka sida gaar ahaan kuwa milatariga.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -