Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay garoonka dayuuradaha Kabul

Qarax xooggan ayaa ka dhacay banaanka hore ee garoonka diyaaradaha ee Kabul xili weli gudaha garoonkaas ay ka socoto howlo daadgureyn ah oo ay wadaan ciidamada Maraykanka

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagonka ayaa sheegay in qaraxaas uu fuliyey qof ismiidaamiyey balse aysan weli helin khasaaraha uu geystay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa warbixin laga siiyay qaraxa, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Biden wuxuu saraakiisha amniga kala hadlayey xaaladda Afghanistan, halkaasoo Mareykanku uu ku jiro tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee soo afjaridda dagaallada 20-ka sano ah

Mareykanka ayaa ku dedaalaya sidii uu muwaadiniintiisa iyo qaar ka mid ah muwaadiniinta Afghanistan uga soo qaadi lahaa Kabul ka hor inta uusan milatarigiisu si buuxda uga bixin Afghanistan 31 -ka bishan August.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon Dil argagax leh loogu geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday iyo Madax kala duwan oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ciidamada booliiska Muqdisho oo saakay fashiliyay Qarax la doonayay in dad lagu dhibaateeyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---