Dad badan oo ku dhintay qaraxii garoonka Kabul & Taliban oo War soo saartay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax goor dhow ka dhacay banaanka hore ee garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasoo oo kumanaan qof oo ka cararaya xukunka Taalibaan ay buuxiyeen.

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin balse waxaa uu xusay in uusan cadeyn karin bartilmaameedka qofka isqarxiyey.

Sidoo kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo xigatay mas’uul ka tirsan ururka Taliban in ugu yaraan 13 qof ay ku dhinteen qaraxa, oo ay ku jiraan caruur.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ilaalada Taliban ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid xooggan

Qaraxa ayaa yimid ayada oo ay jireen digniino ay bixiyeen ciidamada Mareykanka iyo NATO oo ku saabsanaa in qarax lala damacsan yahay garoonka, uguna baaqeen shacabka inay ka fogaadaan halkaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la arkay ugu yaraan hal qof oo hubeysan oo rasaas furaya.

Qarax labaad ayaa ka dhacay garoonka dayuuradaha Kabul sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Filo faahfaahinta..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -