Nabadoon Dil argagax leh loogu geestay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa guri kuyaala xaafada Juungal ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dhax dileen Nabadoon caan ka ahaa Degmadaasi iyo qeybo kamid ah Muqdisho oo lagu magacaabayay Nabadoon Maxamed Xassan Nuur Muuse.

Sida aan wararka ku helnay labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa ayaa gurigiisa ugu dhax galay Nabadoon Maxamed Xasan xili la sheegay in uu akhrisanayay kitaab Quraan, waxa ayna ku dhufteen dhoor xabadood oo sababtay in nabadoonka geeriyoodo.

Ragii hubeesnaa ee dilka u geestay nabadoonka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana daqiiqado kadib guriga dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan dowlada oo halkaasi ka sameeyay baaritaano aysan natiijo kasoo bixin.

Meydka Nabadoonka la dilay ayaana markii dambe loo qaaday xarunta dambi baraista CID-da si baaritaano loogu sameeyo dilka Nabadoonka,lamana oga ilaa hada cida ka dambeesay dilka Nabadoonka iyo sababta loo dilay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan kusoo batay dilalka qorsheesan iyo qaraxyada, waxaana cabsi xoogan arintan ka muujiyay dadka shacabka iyadoona xusid mudan tahay in goobaha falalka amaan daro ka dhacayaan ay joogaan ciidamo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -