Ciidamada booliiska Muqdisho oo saakay fashiliyay Qarax la doonayay in dad lagu dhibaateeyo

Ciidanka booliska Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay qarax nuuca gaadiidka hoostaga looga xiro la doonayay in Lagu dhibaateeyo qofkii lahaa gaarigaasi.

Booliiska ayaa lagu wargaliyay gaari nuuciisa yahay Surf oo hoosta looga xiray qarax, ciidamada ayaana xiray aaga gaarigaasi yaalay, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan ayna qarxiyaan miinada gaariga lagu xiray.

Afhayeenka booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa sheegay in ciisdamada booliiska fashiliyeen kana hortageen qarax gaari loogu xiray muwadain Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in qaraxaasi la fashiloiyay iyada oon waxyeelo dad kasoo gaarin.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xiray gaarii Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu yiri afhayeenka booliiska

Gaadiidka qaraxyada hoosta looga xiro ayaa inta badan aan la ogaan jirin, waxaana qaraxyadaasi inta badan waxyeelo xooggan kasoo gaartaa  dadka wata gaadiidkaasi hoosta qaraxyada looga xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -