Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday iyo Madax kala duwan oo ka hadashay

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa geeriyooday sida lagu shaaciyay war laga sii daayay Telefishinka Qaranka Masar.

Maxamed Xusni Mubaarak ayaa isaga oo 91-sano jir ah ku geeriyooday isbitaal kuyaala dalka Masar oo daaweyn loo geeyay, waxaana la sheegay in mudooyinkii dambe la il darnaa xanuuno.

Madaxweynihii hore ee Masar Mubaarak ayaa waxa uu dalkaasi xukumayey muddo 30 sano ah, ka hor inta inta aan xukunka looga tuurin dibad-baxyo waa weyn oo dalka ka dhacay sanaddii 2011.

Mubaarak ayaa dhoor sano xabsi ku jiray waxaana ugu dambeyn xuriyadiisa uu helay sanaddii 2017 kadib markii lagu waayey inta badan dacwadihii lagu soo oogay oo kamid ahaayeen dilal dad shacab ah.

Qaar kamid ah Madaxda caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar , waxa ayna Dhambaal tacsi ah u direen Madaxdaasi madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Alsisi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -