Al Shabaab oo Weerar Qarax lu bilowday saakay ku qaaday Deegaanka Camaara

Al Shabaab ayaa saakay aroortii weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ku lahaayeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay saldhiga ciidanka, waxaana qaraxa kadib weerar toos ah saldhiga ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab .

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaal xoogan dhax maray ciidamada la weeraray iyo kuwa Al Shabaab, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga ay weerareen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in dagaalka ku qabsadeen hub badan iyo gadaadiid dagaal ay lahaayeen ciidanka dowlada.

Xaalada Deegaanka Camaara ayaa wali qasan, waxaana deegaanka yaala meydadka askar iyo dagalayahanadii kale ee Al Shababa looga dilay,mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay taliska milatariga iyo maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -