Xukuumada Somalia oo war ka soo saartay wadahadalkii Rooble iyo Madax goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga  kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ku boorriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama maanta ay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada Aqalka Senetka sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenka xukuumada.

Waxaa uu intaas ku daray in Madaxda ay isla qaateen in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka

“Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka afhayeenka xukuumada.

Warar horey u soo baxay ayaa sheegayey in Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ay isku afgaran waayeen qodobo  badan oo ay ka tahay khilaafka ka dhex aloosan xubnaha gobolada woqooyi ku metelaya DF iyo arrimo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -