Aqalka sare oo wax ka bedelay hindise sharciyeed ka soo gudbay Golaha shacabka (Sawirro)

Kulanka 10aad ee Kalfadhiga 5aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajengada Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ) isagoo

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee aqalka sare Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir), ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator Prof/Dr. Osman Mohamud Dufle oo ah Guddoomiyaha guddi hoosaadka Caafimaadka Waxbarashada iyo Arrimaha bani’aadamnimada ee guddiga adeega bulshada u qaabilsan Aqalka sare ayaa akhriyay warbixinta Qodabada Wax ka bedelka Lagu sameeyay iyo kuwa lagu soo kordhiyey si ay u noqdaan  kuwo la jaan-qaadi kara nidaamka mihnadleyaasha caafimaadka ee dalka.

“Guddiga adeega bulshada waxaa uu garowsaday in qabyo qoraalka hindise sharciyeedka golaha mihnadleyaasha caafimaadka Qaranka uu u baahan yahay dib u qoris iyo wax ka bedel lagu sameeyo qodobada hindise sharciyeedka, maadaama nuqulka ka soo gudbay golaha shacabka uu u baahday dib u eegis nuxureed iyo mid hab qoraal, guddiga wuxuu dib u qoray isla markaana dib u habeyn balaaran ku sameeyey dhammaan qodobada hindise sharciyeedka isagoo raacay qaabka soo socda 1- dib u habeyn  qaab qoraalka hindise sharciyeedka, 2- kordhin nuxur iyo ereyo 3-hagaajin ereybixin, tir-tirid nuxur ama ereyo 5-kala hor marin qodobo faqrado, 6 isku bedelid xarfo iyo nambaro,7- soo kordhin qodobo cusub” ayuu Prof. Dufle oo faahfaahin ka siiyey golaha qodobada ugu muhiimsan ee la bedelay iyo sababaha keenay in la bedelo.

Prof. Dufle ayaa sheegay in bixinta adeegyada caafimaadka ay leedahay Wasaarada caafimaadka balse guddiga minnadleyaasha caafimaadka ay shaqadiisu tahay kontrolka iyo xaqiijinta tayada iyo aqoonta xirfadleyaasha Caafimaadka, si looga hortago dadka aan dhaqaatiirta aheyn ee iska sheeganaya dhaqtarnimada si buu yiri dhacday 30-kii sano ee dalku ku jiray burburka oo shacab badan dhibaato loogu geystay.

“Sida ku qoran nuqulka hindise sharciyeedkan qofka dhaqtarka sheeganaya wuxuu guddiga ka xaqiijinayaa shahaadooyinka uu wato, taqasuskiisa iyo khibrada uu leeyahay ka hor inta aan loo fasixin inuu bulshada u adeego” ayuu intaas ku daray Prof. Dufle oo ku dheeraaday faahfaahinta sharcigan iyo faa’iidada uu u leeyahay bulshada.

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar, iyadoo ay senatarada Qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aadan “Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ)”, waxaana loo balamay ka doodista hindise sharciyeedkan maalmaha soo socda.

Sharcigan ayaa ka soo gudbay Golaha wasiirada iyo aqalka hoose ee Baarlamanka Somalia, wuxuuna hadda hor yaalla golaha aqalka aqalka sare oo marka ay dhamaato akhrintiisa ka doodi doona ka dib cod gelin doona si loo meel mariyo.

Haddii sharcigan la meel mariyo waxaa uu wax badan ka qaban doonaa dhibaatooyinka ka taagan dhaqaatiirta saxda iyo kuwa kale oo bulshadu ku wareertay, gaar ahaan kuwa ajaaniibta ah ee dalka la iska soo geliyey, si loo hubiyo aqoonta iyo xirfada caafimaad ee ay leeyihiin iyo howlaha ay qabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -