Maxaa ka soo baxay kulankii madax goboleedyada & Midowga Musharaxiinta?

Waxaa caawa kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS & Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu gadaal uga soo biiray RW Rooble

Kulanka oo ka dhacay Hoyga  ay Muqdisho ka deganyihiin Madaxweyneyaasha Puntland  iyo Juballand ayaa looga hadlay  diidmadii  ay Midowga musharaxiinta kaga soo horjeesteen habraacii doorashada ee ay soo saareen shalay golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban RW Rooble iyo madax goboleedyada dalka, iyagoo ka hor yimid qodobada qaar oo awoodo dheeraad ah siinaya madaxda dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday doodo kulul oo mararka meel qaraar la isla gaarayey, iyadoo  ilo ku dhow kulanku sheegayaan in Rooble iyo xubnaha kale ee golaha wadatashiga ay isku dayayeen iney musharaxiinta ka dhaadhiciyaan Habraaca ay soo saareen, hase ahaatee laga diidayey.

Markii la isku mari waayey doodaha labada dhinac ayaa la isla gartay in la sameeyo guddi turxaan bixin oo ka kooban 6 xubnood oo labada dhinac ah kuwaasoo ay xubno ka yihiin:-

Dhanka Musharaxiinta.

1-C/raxmaan C/shakuur Warsame
2-Daahir Maxamuud Geelle
3-Shariif Xassan Shiikh aadan

Golaha wadatashiga

1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
2-C/casiis Laftagareen
3-Saciid C/llaahi Deni

Xubnahan ayaa la sheegay iney sii ambaqaadi doonaan doodaha labada dhinac si loo saxo tabashooyinka iyo qaladadka jira, iyadoo kulankaas ka dib  Madaxweyne Qoor qoor uu casho sharaf hoygiisa ugu sameeyey madaxda kulankaas ka qeyb gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -