Weerar saakay lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Kabul iyo Ciidamada Mareykanka oo…

Dabley hubeysan ayaa waxay saakayto weerareen ciiddan Afganistan oo ku sugnaa Albaabka Waqooyi ee Garoonka Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul.
 
Hal Askari oo ka tirsanaa Ciiddanka dowladii hore ee Afganistan ayaa ku geeriyooday weerarkaasi, halka 3 kalena lagu dhaawacay weerarka kooxda hubeesan ciidanka ku qaadeen.
 
Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Jarmalka ee ku sugan garoonka Hamid Karazai ayaa ka qeyb galay Dagaalka saakayto ka dhacay Garoonka Kabul.
 
Qoraal ay Milliteriga Jarmalka soo dhigeen Bartooda Twitter-ka waxay ku xaqiijiyeen inay Ciiddankooda ka qeyb galeen Dagaalka ka dhacay Garoonka Kabul, mana jirto Askar wax ku noqotay.
 
Weerarka saakayto ka dhacay Garoonkaasi, waxa uu ku soo beegmay, xilli uu Madaxweyne Joe Biden shalay ka digay weeraro ay Kooxda Daacish iyo Koox kale ku qaadaan dadka Rayidka iyo Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Garoonka Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -