Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo war kasoo saaray kursigii laga qaaday

Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa shalay qoraal ay soo saareen ku shaaciyay in kursiga Aqalka Sare uu ku fadhiyay uu lumiyay Ra’isul Wasaare Kuxigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac, oo lagu eedeeyay in uusan imaan afar kalfadhigi oo golaha yeesheen.

Qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaare Kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac , ayuu uga hor yimid go’aanka uu guddoomiyaha Aqalka Sare uga qaaday kursigiisa, waxa uuna ku tilmaamay tallaabadaasi mid sharcidarro iyo xadgudub uu ku dhaqaaqay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxa uu beeniyay Senatar Saalax Axmed Jaamac in uu ka maqnaa dhammaan kulamada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in ay ku jiraan kulamo uu ka qeyb galay ayna ka mid yihiin kuwa wadajir ah ay yeesheen labada Aqal.

Mudane Saalax Axmed Jaamac , ayaa sidoo kale in uu yahay nin ay saaran tahay masuuliyad fullineed , sidaa darteed aysan suurto gal u aheyn in mar kasta uu ka qeyb galo kulamada ay yeeshaan Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo amar ka soo saaray jidadka xiran ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada Brundi oo shaacisay tirada askarta looga dilay Weerar ka dhacay Duleedka Balcad

Cabdi Cade

(Sawirro) Rooble oo la kulmay Safiirrada 15-ka dal ee Golaha Amniga Midowga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---