Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Baladweyne oo xalay la wareegeen Ciidamo hubeesan

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalka magaaladaasi saakay tahay mid degan kadib markii xalay qeybo kamid ah magaalada ka dhaceen iska hor imaad kooban iyo banaan baxyo.

Ciidamo u badan milatari oo la baxay Ciidanka Badbaadada Gobolka HIiraan ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Baladweyne kuwaa oo qabsaday xarunta Gobolka Hiiraan iyo goobo kale oo muhiim ah.

Sida an wararka ku helnay ciidanka magaalada qabsaday waxaa hogaaminaya saraakiil katirsan ciidanka milatariga oo taageero ka heesta shacabka magaalada kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda in magaalada Baladweyne tago Cali Guuddlaawe.

Goobaha ganacsi iyo xarumaha waxbarashada ayaa saakay furan, waxaana shacabka magaalada si weyn u hadal hayaa dhacdooyinkii xalay iyo ciidamadan la wareegay qeybo kamid ah magaalada, waxaa sidoo kale shacabka cabsi ka qabaan in dagaal dhaco.

Waxaa saakay magaalada Baladweyne ka socda kulamo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka ,masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada kuwaa oo ka arinsanaya sidii loo dejin lahaa xaalada magaalada Baladweyne loogana baaqsan lahaa in dagaal ka dhaco.

Weerarkan xalay ciidamada Badbaado la baxay ku qaadeen magaalada Baladweyne ayaa imaanaya xili la sheegay in uu socdo qorshe Madaxweynaha Hirshabelee Cali Guudlaawe lagu geyn lahaa magaalada Baladweyne oon maaamulkiisa aan laga taageersaneyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -