Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

NISA oo Muqdisho ka fulisay howlgal lagu bur buriyay Shabakad katirsan Al Shabaab hubna …

Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa la sheegay in howlgal qarsoon ka fulisay Degmada Kaxda iyo Deegaanka Garasbaaley ee katirsan Gobolka Banaadir.

Warbaahinta ciidamada Qalabka sida ayaa baahisay in howlgalka ciidamada NISA fuliyeen lagu bur buriyeen Shabakada katirsan Al Shabaab oo la tilmaamay in ay ka howlgali jirtay Galbeedka magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa la sheegay in gacanta kusoo dhigeen xubno katirsan Shabakada Al Shabaab oo isugu jiray rag iyo Dumar sidoo kale lagu soo qabtay qoryaha fudud, rasaasta hoobiya, RBG iyo bambooyin.

Warka lagu baahiyay Warbaahinta ciidamada dowlada ayaa lagu sheegay in Shabakada mudo kudaba jireen sirdoonka Soomaaliya laguna guuleestay in la bur buriyo kadib markii xogtooda heleen Sirdoonka.

Hay’adda NISA ayaa marar badan horey u shaacisay in la bur buriyay shabakado isku xiran oo ka howlgali jiray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kuwaa oo fulin jiray dilal qorsheesan iyo Qaraxyo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo aad ula yaabay Waxii uu kusoo arkay Warshada Hawassa (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan Amniga dalka

Cabdi Cade

Khilaafka Soomaaliya Iyo Imaaradka Oo Sabab U Noqonaya In AMISOM Aysan Ka Bixin Dalka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---