Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo 5 Milyan dollar dul dhigay madaxa Hoggaamiye katirsan Al Shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa baadigoob xooggan ugu jirta hoggaamiyaal sar sare oo katirsan kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka aas aasan , kuwaa oo Mareykanka ku eedeesay in ay galeen dambiyo kala duwan .

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka qaybta bixinta abaalmarinta caddaaladda ayaa lacag abaal-marin ah madaxiisa dul dhigtay hoggaamiye katirsan Al Shabaab, kaa oo kamid ah ragga sida weyn loo raadinayo.

Mareykanka ayaana lacag abaal-marin ah oo dhan $5 milyan u ballan-qaaday qofkii bixiya macluumaad horseeda in la aqoonsado meelna lagu hubsado Abuukar Cali Aadan, oo katirsan hoggaamiyaasha sar sare ee Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Abuukar Cali Aadan uu yahay ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, sannado bandanna uu soo ahaa madaxa milaariga ee al-Shabaab iyo madaxa Jabhadaha.

Dowladda Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin dollar ah madaxooda u dul dhigtay hoggaamiyaasha ugu sareeya Al Shabaab ay ku jiraan Amiirka kooxdaasi Axmed Diiriye iyo sidoo kale Mahad Karatey oo kamid ah ragga ugu saree Al Shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo loo heysto inuu xaday dheyman lagu qiimeeyey 15 bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wiilkiisa taliye ciidan ka dhigay

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeya DFS iyo Bangiga Adduunka oo Nairobi ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---