Maamulka Puntland oo soo saaray Digniin ku socota Shacabka Gobolka Bari

Maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray digniino ku aadan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan oo laga cabsi qabo in Saacadaha soo socda ay ku dhuftaan xeebaha gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal kasoo baxay maamulka Gobolka Bari ee Puntland ayaa looga digay shacabka in ay ka fogaadaan deegaanada xeebaha ku dhaw si aysan waxyeelo uga soo gaarin roobabka dabeylaha wata ee laga cabsi qabo.

Halkan ka Akhriso qoraalka maamulka kasoo baxay

Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab xoogleh iyo dabeeylo dhanka bada u badan hadii alle idmo sida saadaasha cimiladu sheegeyso.

hadaba waxaa la farayaa shacabka degan dhulka Banaan, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duunyada.

Sidoo kale waxa la faray Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari Iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Bari in ay 48 saac ee socoda ay wax gaadiid ah u bixi karrin bada, sidoo kale waxa la faray Isu-Duwayaasha Wasaaradaha Dekadaha Iyo Kaluumaysiga in ay si dhow uga war-hayaan arrintaas.

Sidoo kale waxa ay gaarri kartaa Gobolka Gardafuu waa in aay aad uga taxadaraan arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -