Yuusuf Dabageed iyo Xubno uu ku jiro Sanbaloolshe oo gaaray Baladweyne (Sawirro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne.
 
Madaxweyne Ku Xigeenka oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Hiiraan, Qaar kamid ah Xubnaha labada gole ee Dowlada Hirshabeelle, iyo Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Ambassador Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe.
 
Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiintan maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho , waxa ayna kulamo kala duwan la qaadanayeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ee Muqdisho.
 
Magaalada Baladweyne ayaa dhawaan lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada xubno kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ee kasoo jeeda Hirshabelle , waxaana magaaladaasi duleedkeeda jooga jooga ciidamo jabhad ah oo kasoo horjeeda Hirshabelle iyo in Doorasho ka dhacdo Baladweyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -