Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Magacyadda Dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday badda Gariiga

Meydadka tahriibayaal Soomaaliyeed oo maalmo la la’aa ayaa laga helay badda dalka Gariiga, dhallinyaradan ayaana ka baxay magaalo xeebeedka Izmir ee dalka Turkiga si ay tahriib ugu galaan dalka Gariiga.

Ciidamada badda dalka Gariiga ayaa helay meydadka dhallinyaradan Soomaaliyeed oo biyaha badda ku qalibmay, waxa ayna booliiska sheegeen in doonidii ay saarnaayeen rogmatay ,kaddib dabeylo xooggan oo ku dhuftay.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga dhax arkayay wajiyada dhallinyaradan oo xilligaasi isku diyaarinayay tahriibka, waxaana warkan ku aadan in badda ku geeriyoodeen aad uga naxay ehelkooda iyo dad badan oo Soomaaliyeed.

Magacyada dhallinyarada badda dalka Gariiga ku geeriyootay ayaa waxaa kamid ah Maxamed Mustafe Xasan,Abdalle Mohamed Warsame,Ibrahin Axmed Bile,Asiya Ciise Aadan iyo Muna Awcabdi Ibrahim.

Biyaha Turkiga iyo Gariiga waxa aku geeriyooday dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo mustaqbal lahaa kuwaa oo doonayay in nolol iyo ammaan dhaama kii dalkooda ka helaan waddamada Yurub balse nasiib darro badda ku hoobtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo booqday xarunta Machad Cilmibaaris oo kuyaalla Masar (Sawirro)

Cabdi Cade

Hayat Market oo ku guuleysatay abaalmarinta East Africa Somali Awards

Caydiid Ali

Kenya oo dib u bilaabeysa dhismaha derbiga muranka dhaliyey ee kala qeybiya B/xaawo & Mandhera (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---