Madaxweyne Ashraf Ghani oo wacad ku maray inuu iska caabin doono Taliban

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa wacad ku maray in dalka uu ka difaaci doona Taliban, xilli Taliban ku ay ku sii siqayaan magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Khudbad gaaban oo uu jeediyay Madaxweyne Ashraf Ghani wuxuu ku sheegay in ka saarista ciidamada qalabka sida ee Afghanistan ay tahay “ahmiyadda koowaad”, wuxuuna wada -tashiyo la yeelanayaa hoggaamiyeyaasha deegaanada iyo la hawlgalayaasha caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale dagaal xooggan laga soo sheegayaa magaalada Maidan-Shar oo 40 kilomitir oo keliya u jirta magaala madaxda Kabul.

Waxaana wararka sheegayaan in Taliban ay ku sii siqayaan Kabul oo laga cabsi qabo inay gudaha u galaan inkastoo ay ciidamo ajaanib ah ku sugan yihiin.

Todobaadkan, warbixin la dusiyay oo uu lahaa sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu qiyaasay in magaalada Kabul uu dagaalku ku soo gaari doono muddo todobaadyo ah, dowladduna ay ku burburi doonto 90 casho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -