Al Shabaab oo galabta Dagaal kula wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Cadaado

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Cadakibir ee kuyaala Duleedka magaalada Cadaado halkaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Galmudug.

Dadka deegaanka ayaana ku waramay in dagaal culus deegaankaasi ku dhax maray ciidamada maamulka Galmudug iyo dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana dagaal kadib deegaankaasi la wareegay dagaalyahanada Al Shabaab.

Khasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka uu kasoo gaaray labada dhinac, lamana oga ilaa hada khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray dagaalka galabta ka dhacay deeegaanka Cadakibir.

Deegaanka Cadakibir ee Al Shabaab la wareegeen ayaa qiyaastii 55-KM u jira magaalada Cadaado, waxaana deegaankaasi horey ugu sugnaa ciidamo katirsan Galmudug gaar ahaan ciidamada daraawiishta iyo kuwa Nabad sugida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -