Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble keebaa Saxan (Wax ka Ogow)

Wakhtigan oo doorashadii mudada dheer la sugayey ay bilaabantay, waa war shacabka iyo saaxiibada Soomaaliya ay aad u dhibsadeen kuna noqotay lama filaan. Shacabku iyo Saaxiibada Soomaaliya waxay aaminsanaayeen in uu is qabqabsigii dhamaadey oo Dalku isu diyaarinayo dawlad cusub si loogu fasaxo shacabka Soomaaliyeed kaalmadii  dhaqaale ee dalka hakadka laga geliyey.

Hadii arrintan taagan aan ka eegno xaga Sharciga iyo sooyaalkii hore waxaa muuqata in Madaxweynaha ama R/Wasaaruhu mikood iska indhatirayo xaqiiqadda uuna moodayo in uu dadka Soomaaliyeed indhaha ciid uga shubi karo. Shacabka Soomaaliyeed wax garadkoodu labadaba way uga aqoon badanyihiin Sharciga waanay joogeen iyada oo marxaladan oo kale la marayo.

Laga soo bilaabo Sideedi Febraayo 2021 Dawladu waxay gashay marxalad ah Xilgaarsiin maadaama sharciyadii ay ku jooogtey dhamaatey. Dikreetadda Madaxweynuhu soo saarey ee ku aadan xakameynta Xukuumadu, waa isla Dekreetadii Midowga Murashaxiintu dalbanayeen in uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo soo saaro si la mid ah tii uu saarey Madaxweyne Xasan Sheikh.

Dastuurka way ku cadahay qodobkiisa 103aad  oo cinwaankiisu yahay Xukuumadda Xilgaarsiinta oo u qoran sida “ Inta u dhexeysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisal-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisal – Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiiradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaa waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah”. Dastuuku wuu cadeeyey in R/Wasaaraha hada jooga iyo Golahiisa Wasiirada shaqadoodu ku egtahay in ay shaqooyinka caadiga ah ee maalinlaha ah kaliya wadayaan oo aanay wax cusub, heshiisyo iyo wixii la mid ah magaca umada Soomaaliyeed aanay habayaraatee ku gali Karin.

Qodobkan waxaa Dastuurada Caalamku loogu daraa marwalba si looga hortago in Xukuumada Xilgaarsiintu ay uga dhex faa’iidaysato wakhtiga lagu gudo doorashada. Hadaan qodobkani Dastuurka ku jurin jaahwareer baa imin lahaa laakiin hada way cadahay in aanu R/wasaaruhu hal talaabo oo ka baxsan shaqo maalmeedka aanu qaban Karin. Sidoo kale Madaxweynuhu ma gali karo heshiisyo cusub nuucay rabaan ha noqdeene.

Wakhtigii Dawladii Madaxweyne Sheikh Sharif Axmed, markii Doorashada loo dareerey Xukuumadii R/wasaare Cabdiwali Gaas waxay isku badashay Xukuumadda Xilgaarsiin. Dawladii Madaxweyne Xasan Sheikh markii kalsoonida lagala noqdey R/Wasaare Saacid ilaa intii laga soo dooranyey R/Wasaare Cabdiwali  waxay ku shaqeynaysey Xukuumad Xilgaarsiin. R/Wasaare Cabdiwali markii kalsoonida lagala noqdey ilaa laga soo dooranayey  R/Wasaare Cumar Cabdirashiid  Xukuumadii Cabdiwali waxay ku sii shaqeynaysay Xukuumad Xilgaarsiin.

Wakhtigan Madaxweyne Mohamed Farmaajo markii kalsoonida lagala noqdey R/wasaare Khayre ilaa laga soo dooranayey R/Waasre Rooble waxay xukuumadii Khayre ku sii shaqeeynaysay  Xukuumad Xilgaarsiin. 8 Febraayo markuu mudo xileedkii R/ Wasare Khayre dhamaatey waxay Xukuumadiisu isu badashay Xukuumad Xilgaarsiin oo ku shaqeynaysa xayndaabka qodobka 103 ee Dastuurka sidii R/wasaarayaashii isaga ka horeeyey.

Waxaa la yaab leh Midowga Murashaxiinta iyo Xukuumada Puntland oo aad moodo in asaasaq siyaasadeed ku dhacay oo afkooda iyo dhagahoodu ismaqlayn  ay taageeraan R/Wasaare Dastuurka ku tumanaya oo u haysta in uu yahay mid dadka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Soomaaliya indhaha qaban kara. R/Wasaaruhu Sharci ahaan ma gali karo wax heshiis nuuc kasta uu yahay, mana bixin karo hanti Dawladeed iyo wlm.

W/Q Osman Haji Mohamed Ali

 <easthorn1@gmail.com>

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -