Sargaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Taliska Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay nin ay sheegeen in uu katirsanaa saraakiisha Al Shabaab, kaa oo kasoo goostay kooxdii uu katirsanaa iskuna soo dhiibay dhinaca Jubbaland.

Ninkan ay soo bandhigeen Nabad sugida maamulka Jubbaland ayaa magaciisa lagu sheegay Rayaan Sheekh Nuur (Abuu Xamsa), waxa ayna ninkan nabad sugida Jubbaland tilmaameen in uu ahaa madaxii gaadiidka Al Shabaab ee gobolka Jubada Hoose.

Taliska Nabad sugida Jubbaland ayaa marar badan soo bandhigay saraakiil iyo dagaalyahano ay sheegeen in ay kasoo goosteen Ururka Al Shabaab, xubnahan soo goosta ayaana qaarkood ku biira Nabad sugida Jubbaland.

Al Shabaab ayaan ka hadlin sargaalkan la sheegay in uu kasoo goostay ee lasoo bandhigay, inta badan Al Shabaab ayaana looga baran in ay ka hadlaan xubnaha lasoo bandhigo ee la sheego in iyaga kasoo goosteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -