(Sawirro) Dowlad degaanka Soomaalida oo tababar loogu soo xiray kumanaan Maleeshiyo ah

Taariikhda abid markii 1aad waxaa Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka qalin-jabiyey dufcaddii ugu horreysay oo ciidammo maleeshiyaad ah.

Kumannaan ciidan oo muddo baranayey xirfadaha kala duwan ee tababarka ciidannimo ayaa maanta ka qalin-jabiyey xerada tababarka ciidanka ee Shaalaqe Khadar Maxammuud Fadal ee degmada Birqod ee gobolka Jarar.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Inj. Maxammed Shaale Isaaq, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, hoggaanka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo heer deegaan ah iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb-galay munaasibadda xiritaanka tababarka ciidankani.

Ciidankani oo layligu u socday muddo bilooyin ah ayaa ka kooban dhammaan gobollada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka; carbiskan ayaana lagu kobcinayey xirfadaha kala duwan ee ciidannimo iyo dhawrista sarraynta sharciga.

Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in dawladda ay ka go’an tahay kor-u-qaadidda nolosha ciidanka maleeshiyada, isla markaasina hadda la kordhiyey mushahaarka ciidanka.

“Waxaa hubaal ah in deegaankeenna jiritaankiisu uu ku xiran yahay xoog ciidan oo ka dhisan dhinac walba” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynaha ayaa sida  kale sheegay inay jiraan isku-dayo ay wadaan Jabhada TPLF oo kaashanaya xubno ku sugan Deegaanka, kuwaasoo abuuraya isku-dhacyo qabaa’il, dib-u-deegaamayn hor leh iyo arrimo kale oo la mid ah, taasoo la doonayo buu yiri in lagu khal-khaliyo shacabka, balse ciidankani looga baahan yahay ka-hortagga ficillada ka dhanka ah xasilloonida shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -