Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo Culimada & bulshada rayidka kala hadlay arrimaha doorashada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah oo ku addan doorashooyinka la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasillooni, isagoo sheegay booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA Mudane Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka.

Sidoo kale waxuu tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo hal arrin uga digay Madaxweynaha cusub ee dowlada Soomaaliya

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo guddoomay Natiijada Imtixaan loo galay Agaasimayaal guud (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal kaalin ku lahaa Dagaalkii Laascaanood looga saaray Somaliland oo la Dalacsiiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---