Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir katirsan Puntland oo Geeriyooday iyo Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa ku geeriyooday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi, wasiirka ayaana wararku sheegayaan in Covid-19 u geeriyooday.
Madaxweynaha Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.
 
“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.
 
Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay howlgalka ciidan ee ka socda Hiiraan?

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Milatariga Somalia oo Tababar loogu soo xiray dalka Dibadiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---