Allbanaadir.com
NEWS

Wariye katirsan Idaacada Goobjoog oo lagu xiray xarunta CID-da Muqdisho

Wariye Cali Aadan Muumin oo katirsan Wariyaasha ka howlgala Idaacada iyo Telefihinka Goobjoog ayaa saakay lagu xiray xarunta Dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Wariye Cali Aadan ayaa la gaarsiiyay warqad looga dalbanayay in uu yimaado xarunta Dambi baarista si wax looga weediiyo dacwada laga soo gudbiyay.

Wariyaha ayaa la xiray markii uu tagay xarunta Dambi baraita CID-da, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in Wariyahan ay dacwad kasoo gudbisay Wasaarada Waxbarshada.

Ehelada Wariyaha oo tagay xarunta CID-da ayaa sheegay in lagu wargaliyay in wasaarada Waxbarasahada dacwad kusoo oogtay lana filayo in beri oo arbaco ah lasoo taago Maxkamad.

Wariyaha la xiray ayaa kamid ah Wariyaasha wax ku qora baraha bulsgada sidoo kale ka shaqeeya Idaacada iyo Tv-ga Goojoog, Wariyahan ayaana marar badan baahiyay warar aan farxad galin dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Milateriga Israel oo shacab fara badan ku xasuuqay degaanka Rafax

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Guriceel iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Wasaaradda Gaashaandhiga gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---