Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Bomba (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hirshabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista Ceelal biyoodyo, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.

Related posts

Shaki laga muujiyay weerarkii lagu qaaday Xalane & Jabuuti oo war kasoo saartay Qilaafka Farmaajo ..…!!

admin

Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiilka Q/M ee Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Somaliland oo wax lala yaabo ku tilmaantay hadal kasoo yeeray Mustafa Cagjar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---