Somaliland oo wax lala yaabo ku tilmaantay hadal kasoo yeeray Mustafa Cagjar

Maamulka Soomaalilnad ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar oo sheegay in deegaano Soomaaliland kamid tahay laga soo abaabulo qaraxyo ka dhaca gudaha Itoobiya.

Madaxweyne Mustafa Cagjar ayaa sheegay in xubno xiriir la leh Al Shabaab oo jooga deegaanada Soomaaliland, Puntland iyo Jubbaland in ay soo abaabulayaan qaraxyo iyo falal kale oo  amaan daro oo laga geesanayo gudaha Itoobiya.

Maamulka Soomaaliland ayaa si adag uga jawaabay eeda uga timid maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Faratoon sheegay in waxbo kama jiraan tahay eeda uga timid Mustafa Cagjar.

Waxa uu sheegay Wasiirka in eeda loo jeediyay ay tahay mid aan jirin, waxa uuna xusay in Soomaaliland tahay maamul la dagaalamay argagaxisada kana saaray deegaanada ay maamusho.

Maamulada uu dhawaan eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa ahaa kuwa xiriir dhaw la lahaa Maamuka Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo hada xabsi Adis Ababa kuyaala ku xiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -