Kuraas isku bedelasho iyo Ceebo kale oo ka dhacay Doorashadii Kismaayo (Akhriso)

Doorshada Aqalka Sare oo ah qayb ka mid ah Doorashadda 2021 waxaa la sugayey muda dheer oo murashaxiinta Madaxweynaha 2021 u taagan iyo Madaxweynaha hada kursiga ku fadhiya isku jiidjiidayeen ilaa xad ay gaartey in ciidamo qaab qabiil u abaabulan soo galaan gudaha Muqdisho.  Allaa mahadle oo ma dhicin in xabadi dhacdo laakiin qarka ayeey u saarnayd in Somaliya markale labaatan sano oo  mugdi ah gasho.

Si kastaba ha ahaatee waxay Doorashadii  dhibta badan loo soo maray ka bilaabantay jubaland 27 July 2021. Madaxweyne Axmed Islaam waxuu soo saarey Liiska Murashaxiinta Aqalaka  Sare oo ah afar kursi oo sideed xubnood ku tartamayaan. Waxa lala yaabay darajada musuqmaasuqa ee liiskaasi xanbaarsanaa oo ahayd waxaan wali horey loo arag.  Tusaale hadii aan u soo qaato  Senator Fartaag waxaa la tartamayey Darwalkiisa, Senator Iftin waxaa la tartamayey seedigii, senator Abdirazaaq oo kursi Koombe ku tartamayey waxaa loo badalay Kursi wabeeniye oo Majeerteen kaliya leeyihiin oo Gari Koombo iyo Dhulbahante – Cali Gari liiska   laga reebey. Senator Ilyaas isna sidoo kale ayaa minxiisyo lagula soo qorey.

Suaa’shu waxay tahay Madaxweyne Axmed Islaam in uu sidii uu rabo yeelo maxaa sababay? Waxaa sababay awood qayra caadi ah oo  hal qof la siiyey oo aanay jirin cid la xisaabtami karta ama meel looga dacwoon karo. Doorashada Dadban Nidaamkeedu waxuu u   qoranyahay sidatan “ In Madaxweynaha Dawlad Goboleedku uu awood buuxda u leeyahay in uu soo magacaabo xubnaha D/Goboleedka ku matalaya Aqalka Sare”. Waa awood la mid ah ta boqoradu haystaan oo aan wakhtigan Jamhuuriyadda Faderaal ka ah  la joogo aan la jaanqaadi Karin. Sida saxda ah waxay ahayd in loo qoror sidan “ Murashaxiinta Aqalka Sare u tartamaya in ay codsiyadooda u geeystaan Guddiga Doorashooyinka ee FEIT. Taasi waxay dhalin lahayd Doorasho daah furan, dawladuna lacag badan ooy doorashooyinka ku maamusho ka heli lahayd oo musumaasuqeeduna yaryahay.

Murashaxiintii u tartamayey afarta kursi iyo dadkii  Soomaaliyeed oo dhan waxaa ku dhacay filanwaa, maadaama oo Madaxweyne Axmed Islaam uu muddo sanad ah ku qaylinayey isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo Murashaxiinta u taagan  Madaxweynenimada 2021 “Waxaan rabnaa doorasho daahfuran, Xor iyo Xalaal ah”. Taa badelkeedii waxuu ka dhigey doorasho boob ah, xaaraan ah oo inaba aan xornimo meelna ka soo galin.

Sidoo kale waxaa noqday waxaan mabd’a haba yaraatee lahayn Kudladii Madaxweynenimada rabtay oo la filayey in ay canbaareeyaaan ayaa noqday kuwii ugu horeeyey ee taageerey dulmiga. Dhacdadani waxay qaawisey oo ay banaanka soo dhigtey nimankii laha waxaan nahay Badbaado qaran in ay u xuubsiibteen dad aan damiir inaba lahayn, sababtoo ah waxa ka dhacay Kismaayo waa taariikh musuqmaasiqii ugu weynaa ay Soomaaliya soo mara. Dhacdadani waxay noqotay sidii buurtii uuraysatay ee foolanaysay labada bilood ee markii danbe cirbada dhashay – Kutaladihii Mucaardku waxay noqdeen kuwa saqiirey oon wax karaamo ah indhaha bulshada Soomaaliyeed iyo tan caalamka midna ku lahayn.

 Musuqa Madaxweyne Axmed Islaam oo Xataa Jubaland dhaaftay

Ugu horeyn Kursiga Koombe waxaa dalbaday in Majeerteen (Wabeeneeye)  loo xiro Madaxweynaha Puntland. Qoladan oo baayacmushtar weyn ku leh wadamada bariga Afrika ayaa horey u maalgalisay doorashadiisii Madaxweynanimo ee Puntland, isla markaana hada maalgalin xoogan ku taageeraysa Tartanka Madaweynaha Puntland  uu ugu juro in uu isu sharaxo Madaxweynaha JFS. Maadaama oo Madaxweyne Dani ka siin Karin Puntland lacago badano ka qabo waxuu lacag siiyey Madaxweyne Axmed Isaam si uu Jubaland uga siiyo kursiga Koombe oo aan tartan la galin.Tani waa arrin ugub ku ah siyaasada Soomaaliya maadaama oo doorashooyinkii hore musuqa dhacaa oo ku ku koobnaa kaliya Dawlad Gobaleedka.

Afarta Kursi uu Madaxweyne Axmed Islaam kor u hayo, oo sida laga warqabo dooran, ujeedadiisu waa cadahay oo waxuu ka rabaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu xubin Ogaadeen ah xubnaha Aqalka Sare ee ka soo baxaya Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku soo daro. Ma garan karo sharciyada uu u marayo Madaxweynaha KG  fulinta   dalabka Madaxweyne Axmed Islaam, waxaanse u badinayaa sidii kursiga Koombe loo boobay in uu jufo lahayd Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed laga fara maroojin doono.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxuu Madaxweynaha Jubaland ka rabaa in xubno uu rabo ka soo saaro Jubaland. Xubnaha uu rabo in la soo saaro ergadooda waxaa laga soo daabulayaa Baydhabo  sida aan xog ku hayo. Hadaba Doorashadii Xorta iyo Xalaasha ahayd waxay maraysaa in Dawlad Goboleedada Madaxweynayaashooda kala iibsadaan kuraasta magac ahaan la leeyahay waa loo tartamayaa.

Waad la socotaan Madaxweyne Axmed Islaam sida uu Madaxweynenimada isugu caana shubay. Waxuu yiri “aniga Guddi Doorasho ma rabo in ay Xildhibaanada Jubaland soo xusho ee qola kasta saddex xubnood ha soo saarto, oo kaan anigu rabo aan kala baxo una aqoonsado Xildhibaan. Xildhibaanadii uu doortey ayaa isaga doortay – waa nin Jabhad ah oon sharci, Diin iyo Dastuur midna u joogsanayn. La yaab malaha   nin aan sharciyad ku fadhiyin Kursiga ,ee   xoog ku fadhiya,  in uu sidii uu ku yimi oo kale   xubnaha Aqalka sare kaligiis doorto.

Saaxiibada Soomaaliya -Beesha Caalamka

Beesha Caalamku arrinta Soomaaliya way ka niyad jabtay sababtoo ah wax horumar ah uguma soo muuqata iyagoo intii ay cadaadis saari lahaayeen dhinacyada kursiga Madaweyne ku tartamaya saartay, intii ay talo siin lahaayeen iyo ka badanba siiyey. Beesha Caalamku markay aragtey foolxumada iyo musuqa ka dhacay Jubaland waxay ku jawaabaan way garanwaayeen maadaama ragii mucaaradka ahaa ay isla markiiba Doorashada Aqalka Sare ee Jubaland u hambaliyeeyeen Madaxweyne Axmed Islaam. Go’aan waxay gaareen in ay isha ka fiirshaan  dadkan Soomaaliduna sidey rabaan  ay isku doortaan oo nuucay rabta ha u dhacdee hal mar  la helo Dawlad Cusub oo la soo doortey si dalku cunaqabataynta dhaqaale uga baxo.

Qaybta Labaad oo khuseysa  Doorashada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa soo socota.

W/Q Osman Haji Mohamed Ali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -