Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiilka Q/M ee Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Danjire Jemes Swan.

Kulankaan ayaa aad looga hadlay xaaladaha guud ee dalka, arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, adeeg gaarsiinta deegaanada laga xureeyay Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada maamulka Hirshabelle gaar ahaan gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed ee deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho iyo masuuliyiin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland & wafdigii uu horkacayo oo u ambabaxay Nairobi

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

(Sawirro) Tirada dadka ku dhintay duqeymaha Israel ka wado Gaza oo sii kordhaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---